sawir5

حفل تخريج الدفعة الثانية من معهد زيلع

sawir5

 

 

 

 

Waxaan Halkan Maanta Aan Uga Marag-kacayaa In Ay 28kan Arday Ay Dhamaysteen Waxbarashadoodii   islamarkaana ay xaq uleeyihiin In Ay Qaataan Diplooma Sh. Xasan Khayre

 

 

 

 Magaaladan Boorama ee xarunta Gobalkan Awdal waxaa sanadadan danbe laga dareemayaa dadka oo soo jeclaanaaya barashada culuumta islaamka iyada oo ay arintana fikir u tahay macalimiin aad u soo jeeda oo diyaar u ah in ay dadka wax baran ugana tagaan aayo xaga diinta ah,iyada oo ay taasi jirto waxaa machadka Saylac ee barashada culuumta islaamka iyo luuqada Carabiga ka qalin jabiyay 28 arday oo ah wiilal iyada oo ay sheegeen maamulku in ay habluhuna dhawaan ka qalin jabin doonaan

 

Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen Culimo-Awdiin,Cuqaal,Gudoonka Waxbarashada ee Gobalkan Awda,Xoghayaha fulinta ee Gobalka Awdal iyo marti shafkale oo badan

Sheekh Xasan Khayr waa maamulaha machadkan barashada culuumta diinta iyo luuqada carabiga waxaa uu xafladan lagu gudoonsiiyay arday kaga hadlay arimo dhawra “Waxaan Halkan Maanta Aan Uga Marag-kacayaa In Ay 28kan Arday Ay Dhamaysteen Waxbarashadoodii islamarkaana ay xaq ulee Yihiin In Ay Qaataan Diplooma,iyada oo sobabtuna tahay dadaalka adag ee ay u soo mareen barashada iyo aqoonta diiniga ah”

 

 

 

Sidoo kale Sh. Xasan Khayre waxaa uu dadka ku booriyay in ay ku dadaalaan waxbarashada diinta islaamka iyo luuqada carabiga si ay u noqdaan kuwa ka soo baxa waa jibaadkoodii,wuxuuu sidoo kale carabka ku dhuftay taariikhdii uu soo maray Machadkani iyo waliba sidii uu ugu soo dadaalay iyo maanta halka uu socdo”machadkan taariikhdiisa cidwaliba maanta waa ay ogtaahay iyo waliba heerashii aanu ku soo bilawnay machadkan markii aanu furnay waxaanu ku bilawnay dhisme kiro ah oo aanu ku jirnay mudo ilaa 4sano ah iyada oo ay ku qalin jabiyeen ardaydii ugu horaysay imikana dhismahan cusub ee aan dhisanay oo ay waliba naga caawiyeen walaalahayga ganasatada iyo waliba ardayda waxaa uu dhisan yahay ilaa ku dhawaad sanad waxananu ilaahay ka rajynaynaa in aanu helno dad na caawiya oo nala dhameeya dhismaha cusub”

 

 

sawir4

Waxaa sidoo kale xafladan ka hadlay Sheekhal baladka Gobaladan Awdal Iyo Salal Sh.C/laahi Sh. Cali Jawhar waxanu ku fogaaday taariikhda iyo xiligii la bilaabay barashada culuumta islaamka ee laga hirgaliyay gayigan iyo guud ahaanba dalka,sidoo kale waxaa uu carabka ku dhuftay in ay dawladihii tiradabadnaa ee soo maray dalku aanay culuumta diiniga ah aanay awooda saari jirin “Waxaan idiin sheegayaa barashada culuumta diiniga dawladihii hore ee soo maray dalku awood ma aanay saari jirin oo waxay ka doorbidi jireen culuumta maadiga ah balse dawladan cusub ee hada waxaanu ka rajaynaynaa in ay wax ka badali doonaan oo ay kor u qaadi doonaan barashada culuumta diiniga iyo waliba hormarka”

 

sawir6 

 

 

 

Sidoo kale waxaa iyaguna xafladani ka hadlay Aqoonyahan Maxamed Xuseen Fareed,Dr.Maxamed Cali Nageeye,Prof. Xasan Cali Cismaan, Gudoomiyaha Waxbarashada gobalkan Awdal Axmed Cige riiraash iyo culimo kale oo aad u tirabadan oo aan halkan magacaantooda lagu soo koobi karayn waxayna dhamaantoodba hadaladoodu ku soo biyo shubanayeen waano iyo sidii ay u noqon lahaayeen kuwa anfaca dadkooda iyo dalkoodaba islamarkaana ku dadaali lahaa sidii ay horumar u gaadhsiin lahaayeen xaga culuumta diinta ee dadkeenu ay ku hooseeyaan

 

Gabagabadii xafaldan waxaa ka hadlay Xoghaya Fulinta ee Gobalkan Awdal C/laahi Xuseen Aare wuxuu isaguna dardaaran kii hore ka duwan ku dardaaray ardaydii ka qalin jabisay machadkan wuxuuna ku fogaaday oo uu kula taliyay in ay ka digtoonaadaan waxyaabaha sharcidarada ah ee ay dhalinyaradu ku kacdo sida marka iyaga oo aqoontoodii dhamaystay lawaayo meel ay tageen oo uu isagu ku tilmaamay in ay ku biiraan kooxaha nabada diidan waxaanu ku fogaaday oo uu cadeeyay in machadkan iyo Maamulihiisuba ay yihiin kuwa aad u wanaagsan gaar ahaana wuxuu yidhi Sheekh Xasan Khayre waa nin aad u wanaagsan oo dadku jecel yihiin islamarkaana waxaan idin odhan lahaa sidiisa oo kale noqda kuna dadaala in aad cilimga dadka uga faa’iidaysaanSikastaba ha ahaatee machadkan saylac ayaa isagu ah mid uu fikirkiisa iska lahaa Sheekh Xasan Khayre oo ka mida culimada magaaladan Borama waxaanu ku soo beegmay xili ay dadweynaha reer Boorama ay baahi aada u qabeen in ay mar uun arkaan machad noocan oo kale ah 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

اترك تعليقًا

لن يتم نشر عنوان بريدك الإلكتروني. الحقول الإلزامية مشار إليها بـ *

انتقل إلى أعلى